Deeq A. Posted July 26, 2019 Garowe (SMN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu ku guda jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabada sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay aas-aaska maamulkaasi. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulkaasi ayaa wuxuu shaaciyey in nabad-gelyadda degaanada dowlad goboleedkaasi sare loo qaadayo inta lagu guda jira maalmaha munaasabada oo la qaban-qaabinayo. Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ka codsaday dadweynaha in ay kala shaqeeyaa laamaha amniga sidii ammaanka loo sugi lahaa ayaa u digay shaqsiyaad uu sheegay in ay ku howlan yihiin falal liddi ku ah xasiloonida. Dhinaca kale, qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyey in ciidamada oo heegan sarre la geliyay ay bilaabeen howlgalo lagu adkeynayo nabad-gelyadda, kuwaasi oo rayidka saameeyay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Puntland.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites