Deeq A. Posted July 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay qaraxii lagu weeraray xarunta gobolka Banaadir. António Guterres ayaa wuxuu falkaasi ku tilmaamay “mid bahalnimo”, isaga oo tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu soo kabasho degdeg ah uu u rajeeyay dadka ku dhaawacamay dhacdadaasi. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa ku jira dadka dhaawaca ah. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku garab taagan nahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo nabaddeynta dalka,” ayuu raaciyey. Todoba mas’uul ayaa ku geeriyootay qaraxaasi oo Arbacadii dhacay, iyadda ay ku dhaawacmeen tirro kale xili Al-Shabaab ay sheegatay weerarkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites