Deeq A. Posted July 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in uu dowladda federaalka Soomaaliya ka gacan-siin doono xasilinta magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Francisco Madeira, madaxa AMISOM, oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa tilmaamay in xukuumadda ay illaa iyo haatan horumar ka sameysay ammaanka, balse ay jiraan caqabado. Cabaqadahaasi oo uu ku tilmaamay weerarada Al-Shabaab ee qaraxyadda iyo dilalka u badan ayuu xusay in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan dowladda sidii loosoo afjari lahaa. “Waxaan ku kalsoonahay in aan ka guuleysan doono. AMISOM waxay tababareysaa boolis, kuwaasi oo aan rajeynayo in ay xasiliyaan Soomaaliya iyo caasimada Muqdisho,” ayuu yiri. Hadalkan taliska AMISOM ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo mudooyinkii dambe ay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen ay ka dhaceen Muqdisho, oo ay dowladdu sheegtay in ay baareyso. View the full article Share this post Link to post Share on other sites