Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga arrimaha dibadda golaha shacabka oo dalab xasaasi ah ka gudbiyey Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha dibadda golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoonka golahaasi ka dalbaday in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo eedeynta loo jediyey dowladda Qatar.

Xubnaha gudiga ayaa soo jeediyey in la dabagalo warbixintii uu dhawaan qoray Wargeyska The New York Times, kadib qoraal ay u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wargeyskan oo ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa shaaciyey in Qatar ay ku lug leedahay qaraxyada iyo falalka Argagixisanimo ee ka dhaca Sooomaaliya.

Warbixintani oo dhawaan soo shaac baxday ayaa lagu sheegay in Qatar ay dooneyso in Soomaaliya ay ka saarto dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Qatar oo ka mid ah dalalka taageero dowladda Soomaaliya ayaa iska foogeysay dhammaan eedeymaha loo jeediyey.

Sidoo kale waxa ay shaacisay inaysan faragelin arrimaha dalalka madax banaan, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysay aysan ka wakiil ka ahayn.

Arrintan waxa ay dhalisay shaki weyn, taas oo keentay in Puntland ay ku dhawaaqdo in baaritaan ay ku sameyneyo dilkii Paul Anthony Farmosa oo ahaa maareeyihii shirkadda P&O Ports ee marsada Dekedda Boosaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this