Deeq A. Posted July 26, 2019 Garowe (Caasimada Online) – Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saaka lagu soo daadiyey waddooyinnka magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ciidamadani ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka bilaabay xaafadaha magaaladaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo aan la xariirnay ayaa u jeedada ka dambeysa arrintan ku sheegay u diyaar garowga xuska aas aaska Puntland oo ku beegay 1-da bisha soo socota ee Augusto. Madaxda iyo shacabka Puntland ayaa sanadkan u dabaal degaya 21 sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaska maamulkaasi. Munaasabado lagu maamuusayo maalintan ayaa la filayaa inay ka dhacaan magaalooyinka Puntland, kuwaas oo ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan. Ammaanka ayaa aad loo xoojiyey, iyadoona saraakiisha iyo ciidamadaba loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah . Sanadkii la soo dhaafay waxaa munaasabaddan ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, balse lama oga sanadkan, sida ay uga qeyb geli doonto dowladda Soomaaliya, maadaama uu jiro mad madow u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo Madaxweyne Siciid Deni. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites