Deeq A. Posted July 26, 2019 Marka (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ay halkaasi ka taagan tahay xiisad. Xiisadda oo laga cabsi qabo in gacan ka hadal isku rogto ayaa salka ku haysa iska hor-imaad dhex-maray ciidamo kawada tirsan dowladda. Isku dhacaasi oo galaaftay nolosha tobban ruux ayaa yimid ka gedaal markii ay isku qabteen xoogaga Khaad, sidda la sheegay. Tobanaan kale oo ku dhaawacmay ayaa kuwa waxyeeladoodu daran tahay la sheegayaa in loosoo qaadayo magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Kulamo ay garwadeen ka yihiin dhinacyo kala duwan oo xiisadaasi lagu xalinayo ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay socdaan. Xaaladda Marka ayaa haatan mid degan, balse waxaa lagu waramayaa in ay tahay mid aanan cago badan ku taagneyn. Inta badan dagaaladda dhex-maray ciidamada dowladda ayaa ah kuwa soo laab-laabta, mana muuqato dedaalo wax looga qabanyo arrintaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites