Deeq A. Posted July 26, 2019 Wanlaweyn (SMN) – Howlgalo ay sameynayaan ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa ka socdo qaybo kamid ah degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dhaqdhaqaaqan ayaa ka dambeeyay markii askari ka tirsan ciidanka Bangaraafta lagu dilay shalay gelinkii dambe magaaladaasi. Dilka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dabley qaab beeleed u abaabulnaa, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday durbadiiba. Xoogaga dowladda ayaa isla shalay dhowr qof u soo xiray falkaasi, waxaana saaka la sheegayaa in ay wadaan howlgalka. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in howlgaladda ay sameeyeen isu socodka degmadda. Mudooyinkii dambe degmada Wanlaweyn waxaa kusoo badanayey dilalka ay maleyshiyaadka hab beeleed u geysanayaan ciidamada dowladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites