Deeq A. Posted July 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay shacabka in ay laba jibaaraan la shaqeynta hay’addaha ammaanka. Cabdinaasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka amniga ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab. Mr Muuse ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in weerarada kooxdaasi aysan u hakan doonin howlaha dib u dhiska dalka, sidda uu hadalka u dhigay. Arbacadii ayey ahayd markii weerar is-miidaamin oo ay Al-Shabaab sheegatay lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir. Dhacdadaasi ayaa galaafatay nolosha todoba mas’uul, waxaana ku dhaawacmay in ka badan tiradaasi oo uu ku jiro duqa caasimada, Cabdiraxmaan Eng Yariisow. View the full article Share this post Link to post Share on other sites