Deeq A. Posted July 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in adeegyadii uu maamulku bixin jiray ay si caadi ah ku socdaan. Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka qaabkii u dhacay weerarkii Arbacadii. Ku simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaasi raaciyey in aysan waxba iska bedelin shaqadii gobolka, muwaadiniintana loogu shaqeyn doono sidii hore. Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa yiri “ugu dambeyntii, [AlShabaab] waan ka adkaan doonaa”. Dadweynaha ayuu ku booriyey in ay is-dejiyaan, kana dhowr-sugaan warbixinta baaritaanka ay sameynayaa laamaha ammaanka. Weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu galaaftay todoba mas’uul, iyadda oo uu ku dhaawacmay duqa caasimada oo Qadar loo qaadey. View the full article Share this post Link to post Share on other sites