Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo bilowday tallaabo ka dhan ah dowladda Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey, kadib go’aankii uu maamulkaasi xiriirka ugu jaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka waarfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in dhammaan in ciidamada maamulkaasi ay u diyaar garoobeen ka hortaga falal uu sheegay inay maleegayaan cadowga Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in si weyn loo adkeeyey amniga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Injineer Cabdi Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey in go’aankoodii ahaa in mas’uuliyiinta dowladda aysan tagi karin deegaanada maamulkaasi uu weli sidiisii yahay, islamarkaana ay dhaqan gelin doonaan, inta ay ka dhaceyso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu doonayo Axmed Madoobe inuu kaga hor imaado dowladda Soomaaliya oo isku dayeyso inay meesha ka saarto, si uu isbedal uga dhaco halkaasi.

Doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhici doonto bisha soo socota ee Augusto, lamana oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonto dowladda dhexe, maadaama maamulka Axmed Madoobe uu ka qaatay go’aan culus.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this