Deeq A. Posted July 26, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Maraykanka waxa ay si xoogan u cambaareynaysa weerarka 24-kii July ka dhacay Muqdisho, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirtey qoysaska iyo saaxiibbada dhibanayaasha la dilay. Waxaan siddoo kale u duceeneynaa dadka ku dhaawacmay oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirahmaan Cumar Cusman,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safiirka Washington. Danjiraha ayaa ammaanay ciidamada Soomaaliyeed iyo shaqaallaha gurmadka degdeg ah ee caawiyey dadkii dhaawacmay. “Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan,” ayuu raaciyey. Ku dhowaad todoba qof oo badankooda ah mas’uuliyiin ayaa ku dhimatay dhacdadaasi, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay in ka badan sideed oo uu ku jiro duqa caasimada oo dhaawacyadooda loo qaadey dalka Qadar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites