Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta Al-Shabaab oo shaacisay waxa qaraxii gobolka loo adeegsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir uu ahaa mid goobta lagu sii diyaariyey.

Warbaahinta Al-Shabaab oo soo xiganaysa xubno ka tirsan kooxda oo aan la magacaabin ayaa sheegtay in qaraxaas loo adeegsaday “maaddo qaraxda oo lagu sii diyaariyay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.”

Sarkaalka lasoo xigtay oo aan la shaacin magaciisa ayaa sheegay in uu qaraxu ku diyaarsanaa gudaha xarunta islamarkaana loogu talagalay in lagu beegsado wakiilka gaarka ah ee QM u jooga Soomaaliya James Swan.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in “cillado farsamo oo dhacay darteed ay maadadu qarxi weysay intii uu joogay wakiilka balse ay goor dambe ku qaraxday saraakiisha maamulka gobolka Banaadir” oo halkaas ku shirayay.

Warkan cusub ee ah in qaraxu ku diyaarsanaa xarunta ayaa ka duwan kan maamulka gobolka oo ah inay is-qarxisay haweeney nafteeda haligtay.

Hadalka Shabaab ayaa u muuqda mid is-burinaya ujeedkuna yahay in lagu taageero sheegashada ah in qaraxa lala beegsaday James Swan, taasi oo khuburada amniga ku sheegeen isku day weerarka looga dhigayo mid caalami ah.

Khuburada amniga ayaa rumeysan in qaraxan iyo booqashada Swan ay ka dhaxeysay kaliya inay si kam ah isugu soo aadeen.

Waxa ugu weyn ee hadalka Shabaab burinaya ayaa ah xaqiiqda ah in sheegeen in qaraxu markii hore u qarxi cillado farsamo, taasi oo dhalineysa su’aasha ah “haddii marki hore cilad darteed u qarxi waysay maadada, sidee markii dambe ku qarxay, yaa u tagay maadada oo ciladii ka saaray?”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this