Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska DF oo diyaariyey SHARCI xadgudub ku ah shacabka oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta Booliiska Soomaaliya ee gobalka Banaadir ayaa wada diyaarinta Sharci cusub oo isbadal loogu sameynayo qodob kamid ah Sharuucda cadeyneysa Xuquuqda muwaadinka islamarkaana saameyn ku leh shaqada Booliska.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Taliska Booliiska Gobalka ay soo gudbiyeen in la dhareeyo waqtiga ay Maxkamad la’aan xabsi ku heyn karaan dadka la soo qabto oo soo gala gacanta Ciidamada Booliiska ka hor inta aan la saarin Maxkamad.

Dalabka Ciidamada Booliiska ayaa ah in 48 saac aysan ku filneyn oo ay u baahan yihiin in la siiyo ugu yaraan 90 cesho si baaritaan dheer loogu sameeyo qofkii laga shakiyo kadibna la horgeeyo Maxkamad, wixii markaas ka dambeeyana go’aan Maxkamad lagu sii daayo ama lagu sii haayo.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Sharcigaan loo gudbin doono Golaha Wasiirada markii uu ka soo dhamaado Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

Dastuurka dalka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalo ayaa tilmaamaya in qofka muwdaanka ah aan Xabsi lagu sii heyn karin muddo ka badan 48 saac, iyadoo aan ku dhicin Xukun Maxkamadeed.

Arintaan ayaa Taliska Booliiska Gobalka Banaadir waxay u arkaan in ay aad u yartahay islamarkaana aysan qof uga dhamaan karin muddo 48 saac oo ay u baahan yihiin waqti ku filan oo ay baaritaan ku sameeyaan.

Haddii ay arintaan dhacdo waxay noqon doontaa dhibaato daran oo ay wajahaan Shacabka Soomaaliyeed madaama ay noqonayso in go’aanka loo gacan geliyay Booliiska garsoorkiina meesha laga saaray.

Sidoo kale arintaan ayaa waxay noqoneysaa in hoos loo dhigay adeegga Garsoorka isamarkaana la baneestay ku xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed.

Lama oga go’aanka uu ka qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xubnaha Golaha Wasiirada. Sidoo kale lama oga go’aanka ay ka qaadan doonaan Baarlamaanka dalka hadii sharcigaan la horgeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this