Sign in to follow this  
Deeq A.

Yey aheyd gabadhii fulisay qaraxii xarunta gobolka Banaadir?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan xogta qaraxii shalay laga fuliyey xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo qofkii ka dambeeyay.

Caasimada Online ayaa xiriiro la sameysay Saraakiisha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee baaritaanka kuwada weerarkii xanuunka badnaa ee shalay ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ay hayaan warar lagu kalsoon yahay oo ku saabsan qofkii weerarka fuliyay.

Wararka aan ka helnay masuuliyiinta amaanka iyo Saraakiisha Gobalka Banaadir ayaa sheegaya 90% baaritaankii la sameeyay ay sheegayaan in weerarka ay fulisay Gabar magaceeda lagu soo koobay Basiiro, oo aheyd Agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobalka Banaadir islamarkaana aragga naafo ka aheyd.

Sarkaal katirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Gabadhaan ay weerarka fulisay waxaana soo abaabulay gabar kale oo caawiye u aheyd qofka is qaxriyay oo argga naafo ka aheyd.

Basiiro, oo markii hore ku shaqeyn ku jirtay dhismaha Guri Hooyooyinka ayaa dhowaan ka shaqa bilaawday maamulka Gobalka Banaadir, waxa ayna aheyd qofka kaliya ee aan la baarin oo albaab gaar ah ka soo gala gobalka Banaadir.

Gabadhaan ayaa ka soo gali jirtay Albaabka wayn ee Gaadiidka laga soo geliyo waxayna wadatay qof kale oo dumar, waxaana la sheegay in aan la baari jirin maadaama aysan soo mari karin goobaha dadka lagu baaro oo ay yaalaan qalab casri ah oo dadka dhib badan kamaraan markii la baarayo.

Saraakiisha Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ay baarayaan oo ay meesha ka baxsatay gabadhii soo abaabushay weerarkaan ee Caawiyaha u aheyd qofkaan aragga la’a ee is qarxisay.

Waxyaabaha kale oo ay Caasimada Online ogaatay waxaa kamid ah in qofka is qarxiyay ay fadhiday kurisga 5-aad ee Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo aan loogu talagalin islamarkaana aysan markii hore fariisan jirin.

Qofka la raadinayo ayaa xarunta gobalka ka baxsatay ka hor inta uusan qaraxa dhicin waxaana la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

Gabadhaan is qarxisay ee Aragga naafaha ka aheyd islamarkaana aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Gobalka Banaadir ayaa markii ay dadka u sheekeyneyso waxaa ka muuqday in ay aheyd qof wadani ah oo balse wajaheyso waayo iyo daruufo adag waana sababta dad badan ay u aamineen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this