Deeq A. Posted July 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Dadkii ku dhaawacmay weerarkii xarunta gobolka Banaadir ayaa loo qaadey waddanka Qadar kadib diyaarad qaas ah oo waddankaasi ka timid. Bukaanadda ayaa waxaa kamid ah; Eng Yariisow, duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo gudoomiyeyaal degmo. Sababta dalka dibadiisa loogu qaadey ayaa waxaa lagu sheegay markii loo baahday baxbaano dheeraad ah. Lix ruux oo ay ku jiraan gudoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal ayaa ku naf-waysay qaraxaasi oo is-miidaamin ah, kaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa magacowday guddi ka shaqeyn doono taakuleynta dadkii wax ku noqday dhacdadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites