Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Marka

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Fahfaahino ayaa kasoo baxaya dagaal muddo laba saac ah socday oo ka dhacay bartamaha magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Iska hor-imaadka ayaa waxaa la sheegay in uu u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda oo kala ah nabad-sugida iyo milatariga gaar ahaan guutadaa 14-ka October.

Isku dhaca labadda dhinac oo la sheegay in uu salka ku hayo Khaad ayaa darafyadda u geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey 10 ruux ayaa ku dhimatay oo lix kamid ay askar yihiin, halka afarta kalena la tibaaxay in ay shacab yihiin.

Dagaaladda dhexmaray ciidamada Soomaaliya ayaa inta badan ka dhaca magaalooyinka, iyadda oo saameynta ugu badan uu rayidka ku yeesho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this