Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan su’aal oo ka taagan habkii DF uga jawaabtay qaraxii xarunta gobolka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay sameysay dayacaad amni iyo in aysan weerarkii xanuunka badnaa wali ka bixin Jawaab Dowladnimo waxaana isa soo taraya eedeymaha loo jeedinayo.

Su’aalaha dad badan maskaxdooda ka guuxaya ayaa waxaa kamid ah

  1. Sidee qofkaan ku galay Xarunta Gobalka oo aad loo ilaaliyo?
  2. Yaa u fududeeyay in ay la fariisato Guddoomiyaha gobalka iyo masuuliyiinta kale?
  3. Gargaarkii loo baahnaa ma bixisay dowladda?
  4. Maxaa diiday in la baaro oo lagu dhawaaqo guddi natiijo ka keena weerarkaas?
  5. Maxaa loo qaban masuuliyiintii amaanka ee Xarunta Gobalka?

Waxaa soo baxaya in weerarkii dhacay uu ahaa mid maalmo badan la qorsheeyay, islamarkaana waxaa jira tuhun la xiriira in laga yaabo iany gacan ka gaysteen xubno dowladda ka mid ah marka sida uu adkaa amniga goobta la qarxiyey.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan raali ka aheyn in la baaro weerarkii dhacay islamarkaana ay hore u diiday baaritaanka weeraro nuucaan oo kale ah.

“Dadkii ay aheyd in labaaro ayaa baaraya dadkii la’laayay sidaasna dowladnimo ma ahan waxaana umadda Soomaaliyeed u cadeynayaa in aysan DF-ka raali ka aheyn in la baaro wixii dhacay oo xog dhab ah laga keeno” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this