Sign in to follow this  
Deeq A.

Culimada oo fatwo kasoo saaray ganacsatada dalka ee canshuurta siiya Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo saaray fatwo ku aadan dhaqaalaha la siiyo Al-Shabaab, uguna baaqay ummadda Soomaaliyeed iyo ganacsataduba ugu baaqay in aan gabbaad la siin, lana taageerin Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baarruud Gurxan, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa ganacsatada dhaqaalaha ama canshuurta siiya Al-Shabaab ugu digay in aysan u hoggaansamin awaamiirta kuwa uu hseegay inay caadeysteen daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna intaa raaciyay in ganacsatada qaarkood ay si wanaagsan ugu qeyb qaadanayaan “xasuuqa ay Al-Shabaab iyo Daacish ku hayaan shacabka”, mar haddii ay dhaqaalaha ay bixiyaan “lagu soo iibiyo hubka iyo qaraxa lagu laynayo Ummadda Soomaaliyeed.”

“Qofkii cabsi uu ka qabo Al-Shabaab awgeed lacag u siiyo, ha ogaado in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan” ayuu yiri.

“Waxaan ku talinayaan in dadka bixiya lacagta ama canshuurta inay ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo nafteyda” ayuu yiri Sheekh Nuur.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna dhallinyarada “la marin habaabiyay” ugu baaqay in ay ka soo laabtaan “Waddada qaldan iyo fikirka gurracan ee Kooxda Al-Shabaab.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this