Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan wasaarada waxbarashada oo shaqadoodii ku waayay warbixin ay siiyeen Hanti dhawrka

Recommended Posts

Deeq A.   

WASAARADDA WAXBARASHADDA SOMALILAND: Xubno Xilalkoodii Ku waayey XOG-WARAN Uu Hanti dhawrku La Yeeshay Oo Ay Iskaga Fogeeyeen lacago Magacyadooda lagula baxay

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cismaan Jaamac Aadan Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Axmed Abokor ayaa Xilkii ka qaaday Agaasime Waaxeedyo iyo xubno kale oo uu Hantidhawrku waraystay, kuwaas oo iyagu iska fogaayey Lacago magacyadooda ku qornaa inay qaateen oo ay Hantidhawrka u sheegeen inaanay shaqo ku lahayn.
dhacdadan ayaa sida la sheegay ay Wasiirka Waxbarashadda iyo Agaasimaha Guud ay aad uga cadhoodeen, isla markaana sababtay in xilka laga qaadaan. sida ay sheegayaan Xogaha laga helaya Amuurtaasi Waxa jira iyaguna Saraakiil kale oo Hantidhawrka Xogta dhabta ah ka qariyey oo la sheegay iyaguna inay arintaasi ku mutaysteen Dalacsiin.
Sidoo kale xubnaha Xilkooda ku waayey Warbixinta dhabta ah ee ay Siiyeen Hantidhawrka ayaa waxa ka mid ah Agaasimihii Waaxda shaqaalaha, Agaasimihii Dugsiyada gaarka loo leeyahay Iyo maamulihii dugsiga Farsamada Gacanta ee dawladda iyo xubno kale.
dhinaca kala Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa isagu 5 bilood ka hor baadhis ka bilaabay Wasaaradda Waxbarashadda oo la sheegay inuu ka jirro Musuqmaasuq baahsani, kaas oo aan ilaa imika Wax Natiijo ah kasoo saarin.
Isku soo wada duuboo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa iyaga la dhawrayaa go’aamada ay ka qaataan aar-goosigan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud kula kaceen masuuliyiinta Khashifay lacagaha been abuurka ah ee lagula baxay magacyadooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this