Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay inuu hakiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (PP) ─ Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay maanta inay hakisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dowladda Federaalka Somalia iyo in safarro ay ku tagaan Kismaayo mas’uuliyiinta DF, sida golaha wasiirada, xildhibaananada iyo mas’uuliyiinta kale.

Go’aankan ayaa wuxuu kasoo baxay kulan ay golaha wasiirada Jubbaland ku yeesheen maanta magaalada Kismayao, kaasoo uu shir-guddoomiye ka ahaa madaxweynaha maamulkaas, Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa waxaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir ee Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyaddiisa, waxay allah uga baryayaan kuwa dhaawaca uu soo gaaray caafimaad deg-deg ah, halka kuwii dhintay loo baryay Janno Aakhiro.

Sidoo kale, Waxaa kulanka looga hadlay xaalada amni ee Jubbaland ina lagu jiro doorashooyinka, waxayna goluhu sheegay in laamaha amnigu ay si adag u sugaan nabad-galyada muddada lagu jiro doorashooyinka si looga hortago isku-dayada argagixisadu ay ku doonayaan dhibaataynta shacabka.

Golaha wasiirrada maamulka Jubbaland ayaa waxay dood-dheer ka yeeshay fara-gelin ay sheegeen inay Dowladda Federaalka ku heyso doorashooyinka Jubbaland iyo qal-qal-gelin joogtada ah. Waxayna soo saaray go’aan ah in la hakiyay wada-shaqaynta iyo isku-socodka Dowladda Somalia iyo Jubbaland.

Ugu dabmeyn, go’aankan cusub ayaa waxaa gacan-taag ku ansixiyay golaha wasiirrada Jubbanad, waxaana dhamaan shacabka Jubbaland loogu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo adkeynta amniga deegaannadooda.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Jubbaland oo ku dhawaaqay inuu hakiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay DF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this