Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo ka dhacay isgoyska Ceel Gaabta, dhinaca degmada Waaberi ee magaaladda Muqdisho.

Shilka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid ka gedaal markii gaari Booyad ah gaar ahaan nooca shidaalka qaada ay wadada ka baxday, ayna dad jiirtay.

Inta la xaqiijiyey afar qof oo shacab ah ayaa waxay ku dhimatay dhacdadan, waxaana ku dhaawacmay tirro kale oo intaasi ka badan.

Wariye Aadan Daahir Cabdi [Diyeeshe] oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka degdeg ah ee maamulka gobolka Banaadir ay yimaadeen goobta.

Dadka dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaaladda caasimadda si loola tacaalo xaaladooda caafimaad, loona badbaadiyo noloshooda.

Halkan hoose ka dhageyso wareysi uu Diyaashe ku fahfaahinayo

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi-aadan-diyeeshe.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this