Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo ka tacsiyeeyay weerarkii xarunta G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada mas’uuliyiintii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee lagu gumaaday xarunta maamulka Gobolka Benaadir, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Eebbe siiyo caafimaad taam ah.

“Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday Dad wax gal u ah Bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in Dadka iyo Dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehelada Dadkaasi sida gardarrada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu Eebbe caafimaad buuxa siiyo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle.

Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhallinyaro fir-fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimada Muqdisho iyo guud ahaan Dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this