Deeq A. Posted July 25, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga qaban-qaabadda shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo kawada magaaladda Dhuusamareeb. Xubnaha guddigaasi ayaa waxay la kulmayaan odayaasha dhaqanka, iyaga oo kala hadlaya ka qaybgalkooda shirweynahaasi. Shirkaasi ayaa waxaa la filayaa in bisha dambe uu ka qabsoomo magaaladdaasi, isla markaana ay kasoo qeybgalaan in ka badan 300 ergo ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dhismaha Galmudug middeysan, oo shirweynahaasi qayb ka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites