Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi kulamo kawada magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga qaban-qaabadda shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo kawada magaaladda Dhuusamareeb.

Xubnaha guddigaasi ayaa waxay la kulmayaan odayaasha dhaqanka, iyaga oo kala hadlaya ka qaybgalkooda shirweynahaasi.

Shirkaasi ayaa waxaa la filayaa in bisha dambe uu ka qabsoomo magaaladdaasi, isla markaana ay kasoo qeybgalaan in ka badan 300 ergo ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dhismaha Galmudug middeysan, oo shirweynahaasi qayb ka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this