Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiintii lagu dilay qaraxii Muqdisho oo la Aasay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madax ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa ka qaybgalay Aaska mas’uuliyiintii lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir.

Xubnaha la aasay ayaa kala ah; Cabdifitaax Xalane, agaasimihii Waaxda Nafaada gobolka iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka Cabdicasiis, Shangaani iyo Waaberi.

Xalena ayaa lagu duugay khabuuraha Iskool Buluusiyo, halka saddex gudoomiye degmo lagu aasey khabuuraha Isbitaal Madiina.

Ka qeybgaleyaasha Salaada Janaasada ayaa u rajeeyay marxuumiinta naxariista ALLE iyo Janatul Firdowsa.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta kale ee ku dhaawacantay weerarkan oo uu ku jiro duqa caasimada Eng Yariisow iyo gudoomiyeyaal kale ayaa weli isbitaal ku jira.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka ee dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in xaaladooda ay kasoo fiicnaaneyso sidii hore.

Eng Yariisow oo qaliin laba jeer lagu sameeyay ayaa lagu waramayaa in laga yaabo in dibadda loogu qaado baxnaano dheeraad ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this