Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka gobolka oo war cusub kasoo saaray xaaladda guddoomiye Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Saalax Dheere ayaa faah-faahin cusub ka bixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Injineer Yariisow oo ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay xarunta gobolka.

Saalax Dheere ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay “in xaaladda caafimaad ee Duqa Muqdisho, Abdirahman Omar Osman ee aad usoo hagaageyso.”

Qoraalka ayuu sidoo kale ku yiri “Shacabka Soomaaliyeed, ee samaha iyo wanaaga jecel, waxaan ka codsaneynaa in ay is-dajiyaan, Isla markaana ducada ugu soo kaalmeeyaan intii shalay waxyeelada kasoo gaartay falkii wuxuushnimada ahaa.”

Guddoomiye Yariisow iyo qaar kale oo ka mid ah mas’uuliyiintii shalay dhaawacmay ayaa la filayaa in dalka Qatar loo qaado maanta, si halkaas loogu soo daweeyo.

Dhinaca kale, Saalax Dheere ayaa sheegay inuusan jirin bog been abuur ah oo facebook lagu sameeyey kaasi oo iska dhigaya inuu leeyahay duqa Muqdisho.

Saalax Dheer oo bogaas tix raacaya ayaa yiri “Waa page been abuur ah, oo aan waxba ka jirin isla markaana sawiradiisa photoshop lagu sameeyay, waxaan ku baaqayaa in aan lagu qaldamin page-jajka been abuukar ah ee tan iyo shalay la isla dhex maraayo social media.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this