Sign in to follow this  
Deeq A.

J/land oo soo bandhigtay Ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

ismaayo (SMN) – Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay xubno Ajaaniib ah oo ay sheegeen inay ka barbar dagaalamayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Raggan oo gaarayey illaa saddex ayaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose

Jubbaland ayaa shaacisy in ragga Ajaaniibta ah ee la soo qabtay ay dhammaan u dhasheen dalka Tanzania.

Ma shaacin hay’adaha amnigu magacyada raggaasi iyo wax ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab.

Dhinaca  kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka  Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa sare u qaaday dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin dagaalayahannada Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

1-5.jpg2-8.jpg

1-5.jpg2-8.jpg

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this