Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Tunis oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyada Tunis ayaa goordhow sheegtay inuu geeriyooday madaxweynaha Tunis Baaji Qaa’id El-sibsi, waxaa uu ku geeriyooday da’da 93 jir-ka.

Shalay ayey aheyd markii madaxweynaha loola cararay Isbitaal ku yaala caasimadda kadib markii uu xanuun dareemay.

Bishii June ayaa sidaas oo kale waxaa uu galay isbitaal, laakin waxaa laga saaray todobaad kadib markii ay xaaladiisa roonaatay.

Waxaa uu dalkaasi madaxweyne ka noqday 2014-kii, doorashadii ugu horeysay ee dalkaasi ka dhacday kadib markii la riday Zain Caabidiin Bin Cali 2011-kii.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this