Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Bariire

Recommended Posts

Deeq A.   

Bariire (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fariisimo Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad hal saac, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan saraakiisha ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this