Sign in to follow this  
Deeq A.

Immisa Dumar ah ayey Al-Shabaab u adeegsadeen weerarada ismiidaaminta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta dowladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa inta badan weeraro ka geysata magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Weerarada oo isugu jira kuwa toos ah iyo qaraxyo ayaa waxa ay Al-Shabaab ay la beegsadaan xarumaha dowladda iyo goobaha ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta.

Al-Shabaab waxa ay weerarada ay geystaan u fuliyaan siyaabo kala duwan, waxaana kii ugu dambeeyey uu shalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Haddaba waa immisa weerarada ismiidaaminta ee ay Dumar u adeegsadeen Al-Shabaab.

Ugu yaraan Al-Shabaab ayaa geystay afar weerar oo ismiidaamin ahaa oo ay fuliyeen Dumar, tan iyo wixii ka dambeeyey 2010-kii.

Weerarkii ugu horreeyey ee ay fuliso qof Dumar ah ayaa ahaa midkii lagu dilay wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladdii KMG aheyd, Cabdishakuur Xasan, kaas oo 10- kii June sanadkii 2010-kii ka dhacay gurigiisa, waxaana fulisay gabar isa soo miidaamisay.

Sidoo kale bishii April 4-teeda sanadkii 2012-kii, haweeney walxaha qarxa isku soo xirtay ayaa 10 qof waxay ku dishay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Qarax gaari iyo haweeney is qarxisay ayaa sidoo kale bishii Febraayo 20-keeda sanadkii 2015-kii, waxa uu ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen 20 ruux, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Weerarkii afaraad oo ay fuliso haweeney ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this