Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Caasimada Online ogeyd maalin kahor qaraxii xarunta gobolka Banaadir?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – 23-kii July 2019, maalin ka hor qaraxii lala beegsaday xarunta gobolka Banaadir, Caasimada Online waxay qortay warbixin ay cinwaan uga dhigtay: Xog: Haweeney damacsan inay is qarxiso oo soo gashay magaalada MUQDISHO

Ka sokow xogta ku saabsan in haweeney is-qarxin rabtay ay magaalada ku jirto, waxa ugu muhiimsan ama ugu yaabka badan ee warbixinta Caasimada Online ku jiray ayaa ahayd halka ay beegsan rabto gabadhan, oo ahayd xarunta gobolka Banaadir ama albaabka madaxtooyada.

Waxaa si gaar ah warbixinta ay u shegtay inay u badan tahay inay beegsato xarunta gobolka, islamarkaana la fasaxay inta badan shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee dowladda hoose ee Muqdisho.

Inkasta oo aan warbixinta ku sheegnay, in gabadhan ay adeegsan karto baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey ama jaakad is-miidaamin ah, waxaan si gaar ah u sheegnay inay u badan tahay midda dambe.

Xogta Caasimada Online, ma ahayn mid cirka kasoo dhacday, ee waxaan ka helnay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kal oxgtan haystay maamulka gobolka maadaama shaqaale badan oo muhiim aan ahayn la fasaxay, taasi oo yaab ka dhigeysa in ayada oo ay jiraan arrimahan oo dhan maalin kadib qaraxii uu dhacay.

Inkasta oo qaar ka mid ah hay’adaha amniga ay haysteen xogtan, haddana waxaan xogtan u baahinay inaan kasii degno halista soo socota, innaga oo og in laga yaabo in mararka qaar xogta aysan wada wadaagin hay’adaha amniga ama laga yaabo in la fududeysto.

Halkan Click sii si aad u aqriso warbixintii aan daabacnay Talaadadii

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this