Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dhabancad oo farriin adag diray isagoo ku sugan degmada Dhahar

Recommended Posts

Deeq A.   
vlcsnap-error965.png?w=1000&ssl=1Wasiir Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad

Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golaha wasiirada Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo shalay gaaray magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland, ayaa saaka si faahfaahsan uga warbixiyay ujeedka socdaalkooda ku aaddan degmadaasi.

Wasiir Dhabancad oo saaka khudbad u jeediyay bulshada degmada Dhahar, ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda Dhahar uu ku saabsanyahay saddex arrimood oo kala ah; in ay la kulmaan oo xog-wareystaan qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, in ay indhahooda ku arkaan baahiyaha ka jira adeegyada aas’aasiga ah ee degmada Dhahar,si dowladdu wax uga qabato iyo in ay goob joog ka ahaadan munaasabadda uu xilka kula wareegayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hayland.

Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay in qeybo kamid ah xarumaha dowladda ee degmada Dhahar oo ay kormeer ku sameeyeen, ay ku soo arkeen dayac ka muuqda, gaar ahaanna xarunta taliska Booliiska iyo isbitaalka degmada Dhahar, waxaaana uu ballan-qaaday in dowladdu ay si dhakhso ah wax uga qaban doonto xarumahaasi.

Wasiirka ayaa farriin mas’uuliyiinta Puntland ee gobolka Hayland, gaar ahaanna degmada Dhahar, isagoo xasuusiyay in lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan, loona baahanyahay in ay soo gudbiyaan baahiyaha aas’aasiga ah ee ka jira degaanka, si dowladdu wax uga qabato.

Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo uu arrimo badan uga hadlay

PUNTLAND POST

The post Wasiir Dhabancad oo farriin adag diray isagoo ku sugan degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this