Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajaaniib ka tirsanaa Al-Shabaab oo la qabtay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigtay rag Ajanaiib ah oo ay sheegtay inay ka barbar dagaalamayeen Xooggaga Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa sheegay in raggan oo sadex ahaa lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaciyey in xubnaha Ajaaniibta ee la soo qabtay ay dhammaan u dhasheen dalka Tanzania.

Ma shaacin hay’adaha amniga Jubbaland magacyada raggaasi iyo wax ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi.

Qabashada Ajaaniibtan ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe ay kordhiyeen howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee K/Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

1-5.jpg 2-8.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this