Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaawaca Yariisow oo loo qaadayo dalka dibaddiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dhaawaca guddoomiyaha G/Banaadir ayaa la filayaa in saaka loo qaado dalka dibaddiisa, kaas oo hadda lagu dabiibayo isbitaalka Digfer ee M/Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa xalay maray labo Qalin, iyadoo weli xaaladdiisu ay tahay mid culus, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow isbitaalkaasi.

Diyaarado ka socda dalalka Qatar iyo Turkiga ayaa la filayaa in goor dhow ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaadi doono dhaawacyada culus.

Guddiga gurmadka ee uu xalay magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo loogu gurmanayo mas’uuliyiintii iyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this