Deeq A. Posted July 25, 2019 Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu magacaabay guddoomiyaha degmada Taleex ee gobolka Sool. Wareegtada ayaa u qorneyd sidan: Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr50 oo ku taariikheysan 24,Luulyo, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Ku meel gaarka ah ee degmada Taleex. Madaxweynaha Maamulka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto Shaqada Maamulka Degmada Taleex. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Iimaan Cali Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex. Xeerkani wux uu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites