Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaawaca Yariisow oo dibadda loo qaadayo iyo diyaarad soo gaartay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli lala tacaalayaa xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ku jiro isbitaalka Digfer ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad oo ku dhow isbitaalka guddoomiyaha ayaa xalay maray labo Qaliin, iyadoo weli laga deyrinayo xaaladdiisa caafimaad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiyaha saaka loo qaadayo dalka dibaddiisa, si loogu soo daaweeyeo halkaasi.

Diyaarad laga leeyahay dalka Qatar oo ah nuuca ambalaasta ayaa goor dhow soo gaartay magaalada Muqdisho, taas oo qaadi doonto tiro ka mid ah dhaawacyada culus.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda garoonka Aadan Cadde ay soo caga dhigato diyaarad ka socota Turkiga oo iyana qaadi doonto dhaawacyo kale oo uu ku jiro guddoomiye Yariisow, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Dhinaca kale guddiga gurmadka ee uu xalay magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo loogu gurmanayo mas’uuliyiintii iyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose.

Weli waxaa socda baaritaan dheeraad ah oo ku aadan, sida uu u dhacay weerarkaasi oo ay fulisay Haweeney isku soo xirtay walxaha qarxa.

Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this