Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraa Naafo ah oo farriin qiiro leh u diray madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraa naafo ah oo u ol’oleeya xuquuqda Naafada, ayaa shalay hadal dareen qiiro xambaarsan ka jeediyay, bandhiga Buugaagta ee ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraaga oo lagu magacaabo Maxamed Faarax, ayaa sheegay in uu fursad qaaliya u arko ka hadalka Carwada Buugaagta Garoowe oo kulmisay dad aad u badan, si uu farriintiisa ku aaddan ilaalinta xuquuqda Naafada ula wadaago madasha.

Fursad aad iyo aaad qaaliya bay iigu tahay, ka hadalka hortiina maanta, waxaan u ol’olaynayey aniga arrintaan ilaa 2007-2008, waxaan aas’aase ka ahaa hay’ad Awood-siinta Naafada Soomaaliyeed la yiraahdo” ayuu yiri Maxamed.

Wuxuu sheegay in uu guud ahaan u doodo ilaalinta xuuqda Naafada iyo awood-siintooda, balse hadda uu wado ol’ole lagu magacaabo “Albaabka-iga-fur” oo ku jihaysan in bulshada lagu wacyi-geliyo, sidii loo baabi’in lahaa xatabadaha loo sameeyo dhismayaasha guud ee aysan geli karin Naafada Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo farriimo kala duwan oo uu diray Qoraaga

PUNTLAND POST

The post Qoraa Naafo ah oo farriin qiiro leh u diray madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this