Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Yariisow oo la dhigay Qolka xaaladda deg dega ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida laga soo xigtay dhaqaatiir ku sugan Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow oo shalay ku dhaawacmay qaraxii xarunta dowladda hoose ee Xamar, ayaa saaka la qorshaynaya in loo qaado dalka debaddiisa.

Dhaqaatiirta isbitaalka Digfeer ayaa la xaqiijiyay in ay xalay ku guulaysteen labo qalliin ah oo ay ku sameeyeen guddoomiyaha, waxaana laga saaray qolka Qalliinka, iyadoo uu haatan ku jiro qolka xaalada degega ah, islamarkaana ay xaaladdiisa si dhow ula socdaan dhaqaatiirta.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta gacanta ku haya dhaawaca Eng yariisow, ayaa sheegay in ay soo hagaagayso xaaladdiisa, kadib dadaal badan oo xalay ku bixiyeen qalliinkii iyo xannaaneyntii kale ee loogu sameeyay isbitaalka Digfeer.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayan in diyaarado laga leeyahay dalka Qatar iyo Turkiga oo ah kuwa gurmad ay saaka ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho, si ay u qaadan dhaawacyada guddooomiyaha iyo mas’uuliyiin kale oo ku dhaawacmay qaraxii shalay.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Yariisow oo la dhigay Qolka xaaladda deg dega ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this