Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo ka tacsiyaysay Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynaysaa waxyeelada qaraxii maanta ay cadawgu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladd Puntland iyo shacabkeeduba waxa ay tiiraanyada iyo xanuunka la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxaasi, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda ee ku nafwaayey falkaasi arxandarada ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida walaalaha Soomaaliyeed ee ku nafwaayey qaraxaasi.

waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabkii iyo masuuliyiintii dowladda ee falkaasi arxandarada ah ku shahiidey. Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale Alle “SWC”u waydiinayaa inuu u boogadhayo intii ku dhaawacantay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo ka tacsiyaysay Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this