Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxay Dowladda Ka Tiri Khasaaraha Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafadda uga warbixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.

Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa xusay in ay  ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.

Dhanka kale wasiir warfaafinta  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan.
Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this