Deeq A. Posted July 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Benadir Mudane Tuuleh oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Benadir inay is-dejiyaan. Guddoomiye Tuulax waxa uu xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu nool yahay islamarkaana uusoo gaaray dhaawac hadana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan. Sidoo kale, waxa uu intaai ku daray iney jiraan waxyeelo so gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowladda hoose qaar ka tirsan. Ugu dambeyn, waxa uu sheegay in falkan “argigixisadu” geysteen uusan joojin doonin shaqada ay shacabka u hayaan islamarkaana Shacabka looga baahan yahay iney isku duubni muujiyaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites