Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha qaraxii xarunta Dawladda Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka warbixiyey weerarkii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banadir.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkan ku dhinteen lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in  ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahinta dib kasoo sheegi doonaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this