Sign in to follow this  
Deeq A.

FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Maanta Gilgilay Xarunta Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 30-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax is-miidaamin loo maleynayo oo galabta ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana mas’uuliyadda qarxan sheegtay Al-shabaab.

Qaraxan ayaa dhacay xilli uu soday shir looga hadlayay amniga caasimadda kaasoo toddobaadkiiba mar la qabto, waxaana qaraxaan ku dhintay qaar ka mie ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaal ka mid ah kuwa degmooyinka Xamar.

Sidoo kale, Dadka ku dhintay qaraxan ayaa waxaa ka mid ah; afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana agaasimaha waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane iyo agaasimihii waaxda shaqada iyo shaqaalaha Gobolka Banaadir, C/llaahi Dheere.

Waxaa kaloo ka mid ah xubnaha weerarkan naftooda ku waayay guddoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi Cali iyo guddoomiyihii C/casiis oo ahayd haweeney lagu magacaabi jiray, Safiya C/llaahi Asad, kuwaasoo oo u dhintay dhaawacyo halis ah oo soo gaaray.

Dhanka kale, Qaraxan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumarr Cismaan [Inj. Yariisow] oo dhaawiciisa la sheegay inuu yahay mid culus, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Digfeef ee Muqdisho, halkaasoo lagula tacaalayo dhaawiciisa.

Qaraxan ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay guddoomiyeyaal ka tirsan kuwa gobolka Banaadir, waxaa kaloo jiray dad badan oo shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar ka tisran, kuwaasoo la sheegay in la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Duqa Muqdisho Inj. Yariisow ay xaaladiisu wanaagsan tahay, isla markaana lagu daweynayo Xamar.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarxii maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyagoo warbixin ay soo saartay u sheegtay in qaraxan ay ula dan lahaayeen ergayga QM ee Somalia James Swan oo maanta booqday xarunta gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Maanta Gilgilay Xarunta Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this