Sign in to follow this  
Deeq A.

Eng Yariisow oo ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya qaraxa ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ayaa waxa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka wax ku noqdey ayaa la sheegayaa in uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow].

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka wax ku noqday ay ku jiraan gudoomiyeyaal degmo oo dhintay iyo dhaawaca kuwa kale.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay falkan.

Isniintii ayay ahayd markii qarax ka dhacay isgoyska KM 4 ee Muqdisho ay ku dhinteen 17, iyadda oo dhaawaca uu ka badan yahay intaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this