Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo si adag ugu jawaabtay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka jawaabtay qoraal ka soo baxay wasaaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa in uusan sax ahayn liiska odoyaasha dhaqanka Jubaland ee uu soo gudbiyay guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid nasiib-darro ah oo aan wax sharciyad haysan islamarkaana baal-marsan Dastuurka KMG ee dalka iyo kan Jubaland labadaba.

Jubaland waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqday in ay la socdaan fara-gelinta qaawan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso arrimaha doorashada Jubaland sidaasi darteedna wixii cawaaqib xuma ah oo ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto Villa Somalia.

Waxay kale oo guud ahaan shacabka Jubaland ugu baaqday in ay ilaashadaan amniga xasiloonida midnimada iyo wadajirkooda waxaana ay mamnuucday shirar ay sheegay in lagu khal-khal gelinayo Jubaland.

Dhinaca kale Jubaland waxay cambaaraysay qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee lala xiriiriyay dowladda Qatar waxaana ay nasiib-darro ku tilmaantay in dowladda Federaalka Soomaaliya difaacayso dowlado shisheeye oo xasuuq iyo burburin ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

JUBALAND.jpg?w=1000&ssl=1 jubaad.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo si adag ugu jawaabtay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this