Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Tababar usoo Xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan cadow kasta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.

Waxaad tihiin halyeeyada aan dooneyno in ay tiir u noqdaan ciidamo hanta amniga dalka, shacabkana ka samata bixiya dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu. Si taas loo xaqiijiyo waa in aad ku tilmaamantihiin wadaniyad, dhaqan iyo anshax ciidannimo.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga daddaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo.

Waa maalin taariikhi ah in saraakiishan dhallinyarada ah ay akaadimayad dalkeenna ku taal wax noogu bartaan, arrinkaas cidda kugu garab siin karta waa dowlad walaal iyo saaxiibtinimo qoto dheer ay inaga dhaxeyso. Waxaan uga mahadcelinaynaa Dowladda Turkiga sida ay noogu garab taagan yihiin in aan dib cagaheenna ugu istaagno.”

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyeha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xooogga Dalka Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Madeira iyo qaar ka mid ah Diblomaasiyiinta ka hawlgala Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirada

  • 1-52.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-48.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-47.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-45.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-41.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-41.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-26.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-23.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 14-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Tababar usoo Xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this