Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ciidamo hor leh geysay gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Sida ay ilo deegaanka ah u sheegeen Shabelle Somaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah geysay duleedka magaalada Ceerigaabo ee xarunta G/Sanaag.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay ka soo baxeen aaga deegaanka Tukaraq iyo galbeedka magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadani saldhigyo cusub ay ka sameysteen dhanka Buuraleyda Ceerigaabao, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamo taabacsan Jabhad uu hoggaamiyo Korneyl Caare.

Korneylkan aya horay ugu goodiyey inuu weerari doono saldhigyada ciidamada Soomaaliland ee goboollada Sool iyo Sanaag ee waqooyga Soomaaliya.

Xaaladda aya haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo agagaarka degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this