Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Hoobiyeyaal lagu garaacay dhismayaal ay Muqdisho ka degan yihiin siyaasiyiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in hoobiyeyaal lagu garaacay dhowr dhisme oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya.

Goobaha hoobiyeyaasha ay ku dhaceen ayaa waxaa ka mid ah iskuulka 15-ka May, iyo dhismayaal ay deggan yihiin siyaasiyiin oo ku dhow xarunta madaxtooyada.

Weli lama helin wax faah-faahin oo ku saabsan hoobiyeyaashan, iyo haddii ay jiraan khasaarooyin ka dhashay. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimada online, Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this