Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo iibsatay saamiga shirkado shidaal ka qoda meel u dhow xadka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimada Online) – Shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay in heshiis la gashay shirkadaha ENI iyo Total, si ay saami 25%  ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Lamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Qatar waxaa ay saami ah 13. 75 ka iibsatay ENI, halka ay  11.25  ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin.

Goobta heshiiska lagu saxiixayey waxaa joogay Saciid Al-Qaabi oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta ee Qatar ahna madaxweynaha  shirkadda Qatar Petroleum.

“Waan ku fasaxsannahay in aan ku guuleysanno heshiis shidaal qodis ah oo xeebtan Kenya, waxaa ay sii adkeyneysaa in aan ku sii siqno Afrika” sidaasi waxaa yiri Al-Qaabi.

Bolooyadan oo kala ah: L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida aan sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri.

Heshiiskan ayaa waxa uu u baahan yahay inay ansixiso dowladda Kenya, si uu u dhaqan galo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this