Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Qatar Oo Iibsatay 25% Saamiga Shirkado Shidaal Ka Qoda Laamu, Xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25%  ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo  11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin.

Goobta heshiiska lagu saxiixayey waxaa joogay  Saciid Al-Qaabi oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta ee Qatar ahna madaxweynaha  shirkadda Qatar Petroleum.

“Waan ku fasaxsannahay in aan ku guuleysanno heshiis shidaal qodis ah oo xeebtan  Kenya, waxaa ay sii adkeyneysaa in aan ku sii siqno Afrika” sidaasi waxaa yiri Al-Qaabi.

Bolooyadan oo kala ah: L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida aan sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this